“Codka ku xiran telefoonkayga waa sida ‘Hey, Oleksandr, toos, waa waqtigii tababarka shanta subaxnimo’.”
Usyk waxa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee ku guulaysta horyaalka miisaanka culus muddo 25 sano ah ka dib markii uu bishii May garaacay Tyson Fury.
Ka dib markii uu banneeyay suunka IBF, waxa uu ku laabtay Sacuudi Carabiya si uu u difaaco horyaalkiisa WBA (Super), WBC iyo WBO oo maanta dhacaya.
xifaaltanka ayaa ka dhigay feeryahan heersare ah, balse asbuuca dagaalka waxaa la arkay Usyk oo u diyaar garoobaya kulamada ku soo wajahan.
“Ma jecli tababarka, laakiin waxaan jeclahay feerka, ma ciyaari karo haddii aanan tababarin. 37 jirka ayaa sidaas u sheegay BBC Sport.
“Marka aan joogo xerada, maalin kasta iyo daqiiqad kasta waxaan ku fekeraa ‘maxaan halkan ka sameynayaa? Maxaan halkan u joogaa caruurteyda iyo xaaskeyga la’aanteed?’