Taageerayaasha Baraha Bulshada ee Cristiano Ronaldo oo gaaray hal bilyan

Taageerayaasha Cristiano Ronaldo ee akoonada uu ku leeyahay Baraha bulshada ayaa gaaray 1 bilyan– taas oo ka dhigaysa qofkii ugu horreeyay ee gaara tiradaas

Xisaabta tiradaas ayaa ah marka la isku daro wadarta tirada taageerayaasha Instagram, Facebook, Twitter, YouTube, iyo baraha bulshada Shiinaha ee Weibo iyo Kuaishou.

kama dhigna in hal bilyan oo qof in ay ku xiranyihiin, maadaama dad badani ay kaga xiranyihiin meelo badan, qaarkood ayaa waxay noqon karaan xisaabo been abuur ah.

Si kastaba ha ahaatee khabiirka warbaahinta bulshada Paolo Pescatore, oo ka socda PP Foresight, ayaa ku tilmaamay “tira yaab leh” in warbaahinta iyo shirkaduhu ay fiiro gaar ah u yeelan doonaan.

“Waa guul, waxa uuna hoosta ka xariiqay isbeddelka dheeradka ah ee ka dhacaya warbaahinta.”

Waxay taasi muujineysa “awoodda lagu gaari karo dhagaystayaal cusub, oo da’yara, wuxuuna u mahadcelinay tignoolajiyada”, sida uu u sheegay BBC.

Garoonka dhexdiisa, Ronaldo ayaa caan ku ahaa xafiiltanka kala dhaxeeyo xiddigga reer Argentina ee Lionel Messi.

Laakiin marka laga reebo, ma jirto tartan loogu jiro cidda ku guulaysaneysa tartanka baraha bulshada – Messi waxa uu haystaa 623 milyan oo taageerayaal ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *